Puntland oo Lagu Eedeeyay in ay Ka Caga Jiidayso Xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu ka caga jiidayo wada-hadal xal loogu gaaro Colaada soo laab-laabatay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Cismaan Maxamed Cali Dheere Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Maamulka Gal-mudug oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal balse ay Puntland ka caga jiidayso arintaas.

“Galmudug mar walba way ka go’an tahay wada-hadal lala galo Puntland, heshiiskii sanadkii 2015-kii laga gaaray Colaadii Magaalada Gaalkacyo waxaa jabiyay maamulka puntland oo weerar kusoo qaaday xarumo ay ku sugnaayeen ciidamada Galmudug”, ayuu yiri Cismaan Maxamed Cali Dheere.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa Galmudug ku eedeeyay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug islamarkaana ay  la waregeen Ciidamada Puntland fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Galmudug.

Dagaalkii shalay ayaa la xaqiijiyay In ay wax ku noqdeen dad kor u dhaafaya 16-ruux oo u badan Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo isku haysto gacan ku heynta Magaalada Gaalkacyo.

Dagaaladaan oo daba socda dagaalo soo laalaabtay oo maalmahanba labada dhinac ku dhexmarayay galbeedka magaaladaas ayaa ku soo beegmay xili shacabkii ku noolaa magaalada intooda badan ay ka barakaceen magaalada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here