Xarunta shirarka Farjano ee Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa galabta lasoo gaba-gabeeyay Xafladda Caleema-saarka adaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble, iyo ku-xigeenkiiisa.
Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, madaxda maamulada Juballand iyo Galmudug Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Jubballand Maxamuud Sayid Aadan. madax ka tirsan wakiilada beesha caalamka, safiirada dalalka caalamka qaarkood u jooga Somalia iyo marti sharaf kale.
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael Keating, ergay ka socday Midowga Afrika, danjiraha Jaamacada Carabta Maxamed Cabdullaahi Idiris, safiirka dowlada Shiinaha, mas’uuliyiin ka socotay urur goboleedka IGAD iyo xubno oo kale dhamaanba waxa ay hambalyo u direen Maamulka hir-shabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa u mahadceliyey madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka ee xaflada caleemo saarkiisa soo xaadiray, wuxuuna xusay dhinaca kale in maamulkiisu ka shaqeyn doono mideynta shacabka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo sidii loo soo celin lahaa adeegyada bulshada sida Caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo wixii soo raaca.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo qudbad ka jeediyay Xaflada Caleema-saarka madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabeelle ayaa madaxda maamulkaas ku bogaadiyay in ay xaliyaan tabashooyinka bulshada ku nool Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Munaasabadda Caleema-saarka ee ka dhacaysa magaalada Jowhar ay tahay mid si wada jir ah loo qabtay, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta.





