Maamulka Al-shabaab ee degmada Degmada Jilib ayaa soo bandhigay Lix askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen ciidamada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Askartaan ayay Shabaabka sheegeen qaar ka mid ah inay Ilaalo u ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland C/rashiid Janan iyo Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubba-land, halka sidoo kale askarta lasoo bandhigay mid kamid ah uu toogasho ku dilay sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Maaamulka Jubba-land.
Mas’uuliyiin ka Tirsan shabaab oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay askartaan ayaa sheegay in ay xiriiro ay lasoo sameeyeen islamarkaana ay u sheegeen in ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan taasina ay keentay In ay soo goostaan.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubba-land oo ay ugu hadlaayn ciidamada la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Maamulka oo isku dhiibay Xarakada Al-shabaab.





