Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa goordhaweyd ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulkaas.
Dhageysiga khudbadaha musharixiinta aqalka sare oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ku tartamaya 18 musharax, kuwaasi oo u taagan qabashada xilka baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.
Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood, liiska Musharixiinta waxaa ku jira xubno magac ku leh siyaasadda Soomaliya.

