
Dowlad Ethopia ayaa soo rogtay ganaax ah in qofkii lagu helaa inuu Facebook galiyo wax ku saabsan xasillooni darada siyaasadeed ee sii kordhaysa dalkaasi uu muteysan karo shan sano oo xarig ah, taasoo kamid ah tallaabooyinka dawlada ee”xaalada degdeg ah”.
Dowladda ayaa xidaday isticaalka internet mobile ee magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethopia tan iyo markii ay bilaawdeen dibad baxyada sanad ka hor, iyada oo helitaanka adeegyada fariimaha sida WhatsApp, facebook ay aad u yar yihiin.
Sidoo kale Helitaanka warbaahinta ku saleysan dhul shisheeye ayaa sidoo kale aad loo yareeyay, oo ay ku jiraan Deutsche Welle iyo Voice of America, oo labaduba ku leh xarumo Amxaarada caan ku ah ee dalka Ethopia.
Xukuumada Ethopia ayaa dhawaan ku dhawaaqay xaalad degdeg ah ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay dalkaasi gaar ahaan gobolka ugu weyn ee Oromiya.
Raisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa TV-ga dawladdu maamusho ka sheegay in xaalada degdegga ah lagu soo rogay dalka sababta oo ah marxalada uu dalka hada marayo ayaa halis galineesa dadweynaha dalka.
