Maamulka Koonfur Galbeed oo ka Hortagaya Qorshayaal Al-shabaab ay ku Carqaladeenayaan Amaanka Baydhabo

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in ay ka hortagayaan qorshayaal al-shabaab ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan amaanka Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya sidoo kalana ah meelaha la filaayo inay doorashooyinka ka dhacaan sanadkaan.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelay) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo, ayaa sheegay Ciidamada  maamulka Koonfur Galbeed inay u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka deeganada Maamulkaas iyo ka hortaga Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelay) Waxa uu sheegay inaysan marnaba u dulqaadaneyn in Shabaab si maalayacni ah u daadiyaan dhiiga shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan deeganada Koonfur Galbeed, arintaasina si adag ay uga hortagayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here