Labo Nin oo ka Tirsanaa Al-shabaab oo Geeriyootay kadib Qarax Qabsaday Gaari ay La Socdeen Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in gaari ay la socdeen labo nin oo ka Tirsan Al-shabaab in qarax miino uu ku qabsaday deegaan ka Tirsan Gobolkaas.

Labo ruux oo ka tirsan Al Shabaab ayaa geeriyootay saddex kale oo shacab ahna waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaarigii ay la socdeen ay miino kula qaraxday Duleedka Deegaanka Buurdhuxule ee Gobolka Bakool.

Gaariga oo noociisa uu ahaa Caasi, ayaa Shabaab si xoog ah waxa ay uga afduubteen deegaanka Buurdhuxule ee Gobolka Bakool, waxaana ay doonayeen inay ku tagaan Deegaanka Garasweyne ee duleedka Degmada Xudur ee isla Gobolkaas , Balse baabuurka ayaa markii uu ka ambabaxay Deegaanka Buurdhuxule, islamarkaana uu sii maraayo duleedka Deegaankaasi, ayaa mar kaliya waxaa qabsaday miino ku aasneyd wadada oo la qaraxday.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Deegaanka Buurdhuxule ee Gobolka Bakool ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga ay afduubteen shabaab balse uu qarax miino uu qabsaday inta aysan gaarin halkii ay rabeen in ay geeyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here