Magaalada Cadaado ee caasimada Maamulka Galmudug wararka haatan ka imaanaya ayaa ku waramaya in xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ay doorteen xubintii 6-aad ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deegaanka Maamulka Galmudug.
Kursiga 6-aad ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Galmudug waxaa ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi iyadoo ka guuleystay xubnaha kala ah Cabdisamad Macalin maxamuud, iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed.
Jawaahir Axmed Cilmi ayaa Noqotay haweeneydii Labaad ee ku guuleysata kamid noqoshada Xubnaha aqalka ee Baarlamanka dalka kadib markii ay heshay codod gaaraya 51-cod.

