Qeybtii ugu horeysay ee ciidanka Uganda sidoo kalana badali doonta ciidanka Amisom ee horay u joogay dalka ayaa laga soo dajiyey garoonka aadan cadde ee magaalada muqdisho.
Ciidanka cusub oo sitay dariiska ay caanka ku yihiin ciidamada Amisom ayaa laga soo dajiyey garoonka magaalada muqdisho saacada markii ay aheyd 8:45am subaxnimo kadib markii diyaarad military oo socdaalkeydu ahaa Boeing 737 ay kasoo qaaday magaalada kampala ee xarunta dalka Uganda.
Ciidamada cusub ee kasocda dowlada Uganda waxaa ay buuxin doonaan saldhigyo gaaraya 15 saldhig oo ay baneenayaan ciidankii horay uga midka ahaa howl-galka Amisom ee soomaaliya.
Col. Aguma oo kamid ah saraakiisha ciidanka Uganda ayaa sheegay in ciidankaan la geyn doono deeganka Baraawe ee gobolka shabellada hoose.
Saraakiisha Uganda ayaa sigaar ah ciidanka ugu boogaadiyey in ay dhawraan anshaxa ciidan-nimo iyo in sidoo kale ay sicad u gutaan waajibaadka ciidanka Amisom loogu talagalay.
Dhanka kale Dowlada Uganda ma aysan shaacin tirade ciidanka la keenay magaalada muqdisho .
Ilaa iyo 10,000 ayaa lagu qiyaasaa ciidanka kasocda Uganda ee ka midka ah Amisom.











