Dowlada Uganda ayaa Ciidan Cusub usoo Dirtay Wadanka Soomaaliya

0

Qeybtii ugu horeysay ee ciidanka Uganda sidoo kalana badali doonta ciidanka Amisom ee horay u joogay dalka ayaa laga soo dajiyey garoonka aadan cadde ee  magaalada muqdisho.

Ciidanka cusub oo sitay  dariiska ay caanka ku yihiin ciidamada Amisom ayaa laga soo dajiyey garoonka magaalada muqdisho saacada markii ay aheyd 8:45am subaxnimo kadib markii diyaarad military oo socdaalkeydu ahaa Boeing 737 ay kasoo qaaday magaalada kampala ee xarunta dalka Uganda.

Ciidamada cusub ee kasocda dowlada Uganda waxaa ay buuxin doonaan saldhigyo gaaraya 15 saldhig oo ay baneenayaan ciidankii horay uga midka ahaa howl-galka Amisom ee soomaaliya.

Col. Aguma oo kamid ah saraakiisha ciidanka Uganda ayaa sheegay in ciidankaan la geyn doono deeganka Baraawe  ee gobolka shabellada hoose.

Saraakiisha Uganda ayaa sigaar ah ciidanka ugu boogaadiyey in ay dhawraan anshaxa ciidan-nimo  iyo in sidoo kale ay sicad u gutaan waajibaadka ciidanka Amisom loogu talagalay.

Dhanka kale Dowlada Uganda ma aysan shaacin tirade ciidanka la keenay magaalada muqdisho .

Ilaa iyo 10,000 ayaa lagu qiyaasaa ciidanka kasocda Uganda ee ka midka ah Amisom.

22877742341_acdca25420_n 22853104542_e398ddf7e2_n 22853102892_20190f91f9_m 22840603566_d34434864c_n 22678605350_eaa1242cc8_m 22678603280_b3b8569bfd_m 22474440409_f9663f9c91_m 22245445883_bb424a5fe9_m 22245447693_96252a62c4_n 22448226267_7d8aab9257_m

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here