Wasiirka arimaha Dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa maanta isniin ah waxaa loo dhaariyay xubin ka Tirsan Baarlamanka soomaliya isagoona Badali mudane geeriyooday.
Wasiir C/raxmaan maxamed odawaa ayaa badali doona Ex-xildhibaan Cabdi maxamed abtidoon oo dhawaan ku dhintay weerar al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho halkaas ay ku dhinten xubno dowlada soomaliya ka Tirsan iyo milkiilihii Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Mudane C/raxman Maxmed xuseen Odawaa ayaa lagu dhaariyay kulankii Baarlamanka soomaliya ay Maanta kaga doodayeen sharciga saxaafada oo dhawaan usoo Gudbiyeen guddiga saxaafada ee Baarlamanka soomaliya.

