Taliyaha Booliska Soomaliyeed oo Booqday Xarumaha ay ka Socdaan Shirarka Doorashooyinka Dadban

0

Taliyaha Guud Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinta Dadban ee Dalka Sareeye Gaas General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Kormeer ku Sameeyey Xarumaha ay ka socdaan Shirarka Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad Gobaleed ee Maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen-Xaamud oo socdaal ku tagay Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Galmudug ayaa Sheegay in uu u kuur galayo Amaanka Guud Deegaanada Galmudug gaar ahaan Magaalooyin waa Weyn Maamulkaasi.

Generaal-ka ayaa Xusay Taliska Booliska Soomaaliyeed uu Il gaar ah ku hayo Xaalada Amaan Gobalada Galmudug iyo Daruufa ay ku Sugan yihiin Ciidamada Booliska Galmudug, Asagoona intaa hadalkiisa ku daray in  Dowlada ay Kordhin Doonto Taageerada ay Siiso Ciidamada Maamulka Galmudug Sida Tababarada iyo Qalabtooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here