Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Gobolada Waqooyi oo Sheegay in Aysan ka Qeyb Gali Doonin  Doorashada Soomaliya

0

Shir Jaraaid oo ay xalay ku qabteen Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaliya  qaar ka tirsan Golaha Wasiirada dowlada Federalka Soomaliya iyo xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaliya ayay ku sheegeen in aysan ka qeyb gali doonin doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Xubnaha kulankaas ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Raisulwasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte,wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan iyo Mas’uuliyiin kale dhamaanba waxa ay kasoo horjeysteen ka qeyb galka doorashada Sanadkaan ka dhacaysa soomaliya.

Siyaasiyiinta, iyo xubnaha dowlada Soomaliya ka tirsan ayaa ku doodaya in aan waxba laga qabanin Cabashooyinkii ay horaan u gudbiyeen Dowlada dhexe ee Soomaliya sidaas darteed aysan xiligaan diyaar u aheyn ka qeyb galka doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here