Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Daaru Salaam ee Degmada Yaaqshid ee ku waramaya in dad careysan ay halkaas maanta ka dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedeen shil qasaare badan dhaliyey oo shalay halkaas ka dhacay.
Dadkaan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay kaga soo horjeedeen shilaka tirada badan ee kusoo lab-laabtay mudooyinkii dambe wadada aada Xaafadda Daaru salaam ee Degmada Yaaqshid iyo kii ugu dambeeyay ee shalay halkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10-ruux.
“Waxaan joognaa Wadda aada Xaafadda Daaru salaam ee Degmada Yaaqshid dhamaan dadka waxa ay ka careysan yihiin shilalka mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadaan, iyo sida la iskaga indha tiraayo aan waxba loogu qabanaynin “, ayay yiraahdeen qaar kamid ah dadkii Banaanbax dhigayay oo la hadlay idaacada Simba.
Gaari noociisa lagu sheegay Spacio,Taarikadiisa ay aheyd AE4830, ayaa shalay jiiray Dhallinyaro Kubbad ku ciyaaraysay goob salax ah oo ku taala Xaafada Daaru-salaam oo duleedka degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.

