Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha ku Soo Bandhigtay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo dhisayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kaasi oo loo qeybiyey Ergada Shirka Jowhar.
Xoghayaha Joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Pro Yaxye Cali Ibraahim ayaa Odayaasha u aqriyey Qaarka mid ah Qodobada Dastuurka Ku Meel Gaar ah Maamulka loo Sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxa uuna Xusay in Dastuur uu yahay mid aan Dhameystirnayn oo Qabyo Qoraal ah.
Sidoo kale Xoghayaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukumadda Waqtigeedu idlaaday ayaa Odayaasha ku Amray inay Dadajiyaan Ansixinta Dastuurka oo uu Tilmaamay uu yahay mid Waafaqsan Dastuurka ku Meel gaar ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

