Maamulka Degmada Buur-Hakaba ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Qasaaraha Guud ee ka Dhashay Qaraxyo la Eegtay Goobo ay ku Sugnaayeen Dad Rayid ah iyo Askar ka Tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xoghayaha Maaliyadda Maamulka Degmada Buur-Hakaba ahna ku Simaha Gudoomiyaha Amniga Axmed Boorow Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Labo Qarax oo is Xig Xigay ay ka Dhaceen Gudaha Degmada Buur-hakaba kuwaa oo ay ku Dhaawacmeen 3-Askari oo ka tirsan Ciidan Booliska Gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed iyo Labo Ruux oo Rayid.
Xoghayaha Degmada Buur-Hakaba ayaa Tilmaamay in Qaraxyada oo ahaa Nuuca Gacanta laga Hago Markii ay Dhaceen ka Dib Howlgal Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay sameyeen ay Gacanata ku Soo Dhigeen Dad looga Shakisan yahay inay ka Danbeeyeen iyo inay Xiriir la leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab.

