Xildhibaan Xaaf: “Dowladaha Imaaraatka iyo Mareykanka Ciidamo Beeleedyo ay ku Tababarayaan Gobolka Bari”,

0

Xildhibaan Max’ed Ducaale Geele Xaaf  oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ayaa ku eedeeyay  Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Mareykanka in ay Ciidamo Meleeshiyo beeleedyo ah ay ku tababarayaan Gobolka Bari.

Xildhibaanka Max’ed Ducaale Geele Xaaf  ayaa tilmaamay in Ciidamada lagu Tababaraayo Gobolka Bari ee Maleeshiyo beeleed ah ay ku baxdo Lacago lagu qiyaasay Seddex iyo afar Malyan islamarkaana loogu talagalay in lagu weeraro qabiil waa siduu hadal u dhigee.

“Dowladaha Imaaraadka Carabta  iyo Mareykanka waxa ay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay ku diyaarinayaan Ciidamo Maleeshiyo beeleed ah kuwaasi oo ay ku baxdo lacago lagu qiyaasay 3-million ilaa afar Million oo Dollar, waa Ciidamo haysto hub aad u fara badan ujeedka ay ka  leeyihiin dowladaha Imaaraadka iyo Mareykanka waa in lagu weeraro Qabiil”, ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Ducaale Geele Xaaf  .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here