Maamulka Hotelka Wehliye oo Sheegay in ay Gacanta ku Dhigeen Nin Xirnaa dharka Haweenka

0

Ciidamada ilaalada Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa gacanta ay ku dhigeen ilaa sadax rag  oo mid kamid ah uu xirnaa  dharka Haweenka.

Maamulka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay In markii Hore ciidamada ilaalada Hoteelka Wehliye ay ka shakiyeen sadaxda Rag Markii dambana ay gacanta ku dhigeen,

Dhanka kale 3-rag oo xalay ay qabteen ciidamada ilaalada Hoteelka wehliye ayaa la sheegay in  lagu wareejiyay ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya si loo ogaaado waxay ahaayeen,

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii dhawaan uu kulan dhaxmaray Milkilayaasha hoteelada Magaalada Muqdisho iyo Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaraka waxayna kuwada heshiyeen in labada dhinac ay kawada shaqeyaan amaanka Hoteelada Magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here