Raisulwasaaraha soomaliya cumar C/rashiid cali sharmarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo shalay gaaray xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka go’an tahay sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa dadka wali qaxootiga ku ah Gudaha wadanka Kenya .
Raisulwasaare cumar C/rashiid ayaa sheegay in dowlada wadanka Kenya ay wax badan u dul qaadatay in dalkeeda ay ku marti Galiso dadka soomaliyeed oo sanado ka Hor ka cararay Colaadihii ka Taagnaa dalka soomaliya.
Dhanka kale Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada soomaliyeed ee wax ku baratay Gudaha wadanka Kenya ay wax badan u qaban karaan dadkooda haddey dib ugu laabtaan.
Wafdiga Raisulwasaaraha waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe, xildhibaano, iyo wasiiro, iyo Madaxda Gobolka woqooyi bari ee wadankaKenya.

