Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Kulan isbarasho ahaa la qaatay dhamaan Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Mudane Yuusuf xasan Jimcaale Madaale oo dhawaan xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kala wareegay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir xasan Maxamed Yuusuf Mungaab ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in ay is bartaan gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir
Kulankii Maanta waxaa ka qeyb galay dhamaan gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyagoona sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf xasan Jimcaale Madaale




