Ra’iisal Wasaarihii dalka Romania Victor Ponta ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Raisulwasaaraha isagoona sheegay in ay dhacday xukuumadiisa Romania,
Dadka ku dhaqan dalka Romania ayaa Raisulwasaaraha dalka Romania ku eedeeyay in uu wax ka ogaa dabkii todobaadkii aynu soo dhaafnay ka kacay mid kamid baararka dalka Romonia oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32-qof oo habeenkaas baarka wax ka cunaayay,
Baarka oo ku yaala Magaalada Caasimadda ah ee Bucharest ayaa waxay dadku aaminsan yihiin inaanu ka jirin amni la’isku halleen karay iyagoona dhigay banaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda Bucharest oo Hogaaminaayay Victor Ponta
Dhanka kale Victor Ponta oo la Hadlay Talefashinka Dowlada dalka Romania ayaa sheegay in uu arintaan u sameeyay qancinta dadka dalka Romania ku Nool

