Raisul Wasaarihii dalka  Romania Victor Ponta oo si Casilay Goor Dhaweyd

0

Ra’iisal Wasaarihii dalka Romania Victor Ponta ayaa Goor dhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay  xilka Raisulwasaaraha isagoona sheegay in ay dhacday xukuumadiisa Romania,

Dadka ku dhaqan dalka Romania ayaa Raisulwasaaraha dalka Romania ku eedeeyay in uu wax ka ogaa dabkii todobaadkii aynu soo dhaafnay ka kacay mid kamid baararka dalka Romonia oo ay  ku dhinteen ugu yaraan  32-qof  oo habeenkaas baarka wax  ka cunaayay,

Baarka oo ku yaala Magaalada Caasimadda ah ee Bucharest ayaa waxay dadku aaminsan yihiin inaanu ka jirin amni la’isku halleen karay  iyagoona dhigay banaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda Bucharest oo Hogaaminaayay Victor Ponta

Dhanka kale Victor Ponta oo la Hadlay Talefashinka Dowlada  dalka Romania ayaa sheegay in uu arintaan u sameeyay qancinta dadka dalka Romania ku Nool

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here