Qaar kamid ah beelaha daga Gobolka Mudug oo Hub iyo Ciidan ku Wareejiyay Maamulka Galmudug + Sawiro

0

Mid kamid beelaha daga Gobolka Mudug ayaa Maanta waxay Maamulka Galmudug ay ku wareejiyeen  ciidamo iyo Hub ay  sheegeen In ay ugu Talageen in lagu xoojiyo ciidamada dowlada Goboleedka Maamulka Galmudug

Munaasabadii xil wareejinta Hubka iyo ciidamada waxaa ka qeyb Galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane c/kariin xuseen Guuleed , Tiro ka Tirsan Golaha wasiirada Maamulka Galmudug , Mas’uuliyiin xilal Horey ugu soo qabtay Maamulka Galmudug iyo odoyaal dhaqameedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo goobta ka Hadlay ayaa ku amaanay beelaha daga Gobolka Mudug qaabkey u garab taagan Yihiin Maamulka cusub ee Galmudug isagoona sheegay in ciidamada cusub ay wax weyn u qaban karaa Maamul Goboleedka Galmudug.

IMG-20151104-WA0024 IMG-20151104-WA0025 IMG-20151104-WA0028 IMG-20151104-WA0029 (1) IMG-20151104-WA0029 IMG-20151104-WA0030 IMG-20151104-WA0031 IMG-20151104-WA0032

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here