Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa Maanta la Kulmay wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya David Kaeuper.
Madaxweynaha iyo wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya David Kaeuper ayaa ka wada Hadlay arimo badan waxaana kamid ah arimaha ay ka wada Hadleen labada Mas’uul sidii Maamulka Juba-land loogu gacan siin lahaa la dagaalanka xarakada al-shabaab.
Sidoo kale Kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dowlada Marekanka ay Maamulka Juba-land kaga caawin laheyd Howlgalo dhawaan ka bilaaban doono gobolada jubooyinka kuwasoo lagula dagalamaayo al-shabaab








