Madaxweynaha Juba-land oo Nairobi kula Kulmay Wakiilka Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa Maanta la Kulmay wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya David Kaeuper.

Madaxweynaha iyo wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya David Kaeuper ayaa ka wada Hadlay arimo badan waxaana kamid ah arimaha ay ka wada Hadleen labada Mas’uul sidii Maamulka Juba-land loogu gacan siin lahaa la dagaalanka xarakada al-shabaab.

Sidoo kale Kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dowlada Marekanka ay Maamulka Juba-land  kaga caawin laheyd Howlgalo dhawaan ka bilaaban doono gobolada jubooyinka kuwasoo lagula dagalamaayo al-shabaab

IMG_5094 IMG_5095 IMG_5096 IMG_5097 IMG_5100 IMG_5108 IMG_5109

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here