Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa maanta soo Bandhig hub iyo rasaas ay sheegeen in ay kala wareegeen ciidamada al-shabaab oo xalay weerar kusoo qaaday duleedka Garoonka diyaaradaha Belli-doogle ee Gobolka shabeelaha Hoose
Afhayeenka Maamulka gobolka shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya Maxamed shiino oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ee amisom in ay ku guuleysteen qabsashada hub ay lahaayeen ciidamada al-shabaab oo xalay weerar kusoo qaaday duleedka Garoonka diyaaradaha Belli-doogle
Maxamed shiino ayaa Tilmaamay in ay aad u yaraayeen qasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom isagoona Tilmaamay in ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamadii al-shabaab
Dhanka kale Shabaab oo dhankiisa ka Hadlay dagaalka ayaa sheegay n ay gubeen gadiid ay lahaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo Midowga Africa ee amisom guulna ay ka gaaeen dagaalka.

