Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa Soo Bandhigay Hub ay Sheegeen in ay Ka Qabsadeen Xarakada al-shabaab

0

Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa maanta soo Bandhig hub iyo rasaas ay sheegeen in ay kala wareegeen ciidamada al-shabaab oo xalay weerar kusoo qaaday duleedka Garoonka diyaaradaha Belli-doogle ee Gobolka shabeelaha Hoose

Afhayeenka Maamulka gobolka shabeelaha Hoose  ee dowlada soomaliya Maxamed shiino oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ee amisom  in ay ku guuleysteen qabsashada hub ay lahaayeen ciidamada al-shabaab oo xalay weerar kusoo qaaday duleedka Garoonka diyaaradaha Belli-doogle

Maxamed shiino ayaa Tilmaamay in ay aad u yaraayeen qasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom isagoona Tilmaamay in ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamadii al-shabaab

Dhanka kale Shabaab oo dhankiisa ka Hadlay dagaalka ayaa sheegay n ay gubeen gadiid ay lahaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo Midowga Africa ee amisom guulna ay ka gaaeen dagaalka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here