Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Todobaadkaan lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mid mid u booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Todobaadkaan Lagu qaaday Hoteelka saxafi isagoona u rajeeyay in caafimaad deg deg ah ay helaan .
Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banadir Mudane Madaale ayaa Maamulka isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kala sheekeystay xaaladaha Bukaanada xiligaan jiifa isbitaalka.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Lacago shillin soomali ah ugu deeqay bukaanada xiligaan jiifa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho















