Wararka naga soo gaaraya deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulka Puntland ay xabsiga kasii daayeen siyaasiga daahir ciiro oo dhawaan xabsiga ay dhigeen
Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) oo xiligaan ku sugan magaalada Garoowe ayaa idaacada simba u sheegay in wax dambi ah lagu waayay taasina ay keentay in xabsiga laga sii daayo
Dhanka kale siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) ayaa ku adkeystay in uu sii wadi doono arimaha uu ku dhaliiilayo Madaxweynaha Maamulka Puntland DR C/wali Maxamed Cali gaas iyo xukuumadiisa.
Xariga siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) ayaa Yimid kadib Markii Todobaadkii aynu soo dhaafnay uu wareysi uu ku dhaliilayo xukuumada Dr C/wali Maxamed Gaas uu siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho

