Maamulka G/Shabeelaha Hoose oo ka Warbixiyay dagaal Xalay ka dhacay Duleedka Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle,

0

Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka shabeelaha Hoose gaar ahaan duleedka Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle,

Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Rag ka Tirsanaa al-shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee  amisom oo kasoo baxay Garoonka Balli-doogle kadibna uu dagaal  dhaxmaray Labada ciidan.

Maxamed shiino ayaa la Tilmaamay in ay dileen Ragii ka Tirsanaa al-shabaab ee goobta soo weeraray xiligaana ay xaalada  tahay mid aad u dagan waa siduu Hadalka u dhigay afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose.

Dhanka kale shabaab ayaa sheegay in dagaalkii ay ku qaadeen duleedka garoonka diyaaraha Balli doogle ay ku gubeen gadiid ay la haayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here