Maamulka Puntland ayaa Xabsiga ka sii daayay Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro)

0

Wararka naga soo gaaraya deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulka Puntland ay xabsiga kasii daayeen siyaasiga daahir ciiro oo dhawaan xabsiga ay dhigeen

Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) oo xiligaan ku sugan magaalada Garoowe ayaa idaacada simba u sheegay in wax dambi ah lagu waayay taasina ay keentay in xabsiga laga sii daayo

Dhanka kale siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) ayaa ku adkeystay in uu sii wadi doono arimaha uu ku dhaliiilayo Madaxweynaha Maamulka Puntland DR  C/wali Maxamed Cali gaas iyo xukuumadiisa.

Xariga siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Musse (Daahir Ciiro) ayaa Yimid kadib Markii Todobaadkii aynu soo dhaafnay uu wareysi uu ku dhaliilayo xukuumada Dr C/wali Maxamed Gaas uu siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here