Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil kalen ayaa Magaalada Kigali ee wadanka Rwanda waxa ay kaga qeyb galayaan shirka looga Hadlo arimaha Ciidamada Boliiska Caalmiga ee Interpol oo sanadkaan lagu qabtay Dalka Rwanda ee africa
Shirkaan ka Furmay Magaalada Kigali ayaa intiisa badan waxaa diirada Lagu sarayaa arimaha ciidamada Booliska iyo caqabadaha ay xili walba la Kulmaan waxaana la filayaa in qudbad uu ka jeediyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
Mudooyinkii dambe Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waday dadaalo dib loogu soo celinaayo awoodii uu lahaa ciidanka booliska Soomaliyeed oo bubur uu ku Yimid sanadihii dambe





