Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmay shir looga Hadlaayay arimaha sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqul aadanaha waxaa kulankaas Furey Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari
Kulan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, xubno ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo maamullada Sh/dhexe , Hiiraan, xubno ka socday xafiiska UNSOM iyo guddiga Xuquuqul Insaanka baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu horeyntii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya PRO: Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo kulanka Furey ayaa ka Hadlay faaidada uu leeyahay sharciga iyo waxa ay tahay xuquuqda aadanaha.
Kulankaan looga Hadlaayo sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya.

