Wararka haatan Naga soo gaaraya duleedka Garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in uu haatan ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa amisom iyo al-shabaab oo duleedka Garoonka diyaaradaha Balli-doogle soo weeraray
Afahayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya maxamed shine aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu ka Hadlo dagaalka haatan ka socda deegankaas.
Dhanka kale al-shabaab ayaa Barahooda internetka waxay ay ku baahiyeen in dagaal ay ku qaadeen duleedka Garoonka diyaaradaha Balli-doogleay ayna ku gubeen gadiid ay lahaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom askarna ay ku dileen dagaalka waa sidey Hadalka u dhigeen,

