Shir looga Hadlaayay Sameynta Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqda aadanaha oo Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmay shir looga Hadlaayay  arimaha sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqul aadanaha waxaa kulankaas Furey Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari

Kulan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, xubno ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo maamullada Sh/dhexe , Hiiraan, xubno ka socday xafiiska UNSOM iyo guddiga Xuquuqul Insaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya   PRO: Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo kulanka Furey  ayaa ka Hadlay faaidada uu leeyahay sharciga iyo waxa ay tahay xuquuqda aadanaha.

Kulankaan looga Hadlaayo sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here