Sida ay sheegayaan wararka Dooni laga leeyahay dalka Iiraan ayaa ku dagtay xeebaha degmada Qandala ee Gobolka Bari ka dib markii doonta dagtay ay xamili wayday dabaylo iyo Mawjadaha badda oo aad u kacsanaa
Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Maamulka Puntland Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha saarnaa doonta uu ka badbaaday hal qof oo kaliya intii kalana ay dhinteen Madaama ay xamili wayday dabaylo iyo Mawjadaha dhanka badda ah.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Maamulka Puntland Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Wuxuu sidoo kale Tilmaamay in baddu ay soo gashay magaalada wuxuuna xusay inay jiraan Gaadiid burburay oo Magaalada Yaalay.

