Dhageyso: Wasaarada amniga oo sheegtay in la diley Ragii soo weeraray Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

0

Wasaarada Amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa sheegtay in dishay ragii saakay aroornimadii soo weeraray Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

Maxamed Yuusuf Cusmaan afhayeenka wasaarada amniga gudaha dowlada soomaliya oo warbaahinta kula Hadlay agagaarka Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaarada amniga ay ku guuleysatay soo af-jarida weerarkii saakay lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf cusmaan  ayaa Tilmaamay in jiraan Mas’uuliyiin iyo Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo dad shacab ahaa oo ku geeriyooday weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho Dowladana ay Tacsi u direyso dadkaas wax ku noqday weerarka.

Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in weerarkii saakay lagu dilay 6-kamid ahaa Ragii saakay soo weeraray Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho waxayna wasaarada amniga Gudaha ay sheegtay in  aysan joojin doodin  Howlgalada amaanka caasimada  Lagu xaqiijinaayo.

110101_007

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here