Wasaarada Amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa sheegtay in dishay ragii saakay aroornimadii soo weeraray Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Maxamed Yuusuf Cusmaan afhayeenka wasaarada amniga gudaha dowlada soomaliya oo warbaahinta kula Hadlay agagaarka Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaarada amniga ay ku guuleysatay soo af-jarida weerarkii saakay lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf cusmaan ayaa Tilmaamay in jiraan Mas’uuliyiin iyo Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo dad shacab ahaa oo ku geeriyooday weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho Dowladana ay Tacsi u direyso dadkaas wax ku noqday weerarka.
Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in weerarkii saakay lagu dilay 6-kamid ahaa Ragii saakay soo weeraray Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho waxayna wasaarada amniga Gudaha ay sheegtay in aysan joojin doodin Howlgalada amaanka caasimada Lagu xaqiijinaayo.

