Isco oo ka Hadlay Mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda real Madrid Isco ayaa amaaninsan in uu ku qasbi Karo macalinkiisa Rafael Benitez in uu Booskiisa joogtada uu ka helo kooxda Real Madrid ee Horyaala dalka Spain

23-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa dhaliyay Goolkii Furitaanka kulankii ay xalay ka adkaadeen kooxda Las Palmas ciyaaraha Horyaalka dalka Spain xili uu kuso Bilowday kulankaas,

Laacibkii Hore ee kooxda Malaga ayaa Real Madrid kusoo biiray xili ciyaareedkii 2013 Tan iyo xiligaas waxa uu weysanaa in uu booskiisa joogtada uu ka helo kooxda Real Madrid ee Spain ka dhisan

Isco ayaa kusoo Bilowday  5-tii kulan aynu soo dhaafnay ay kooxda Real Madrid ciyaartay madaama ay kooxda ka dhaawacan yihiin xidigo ay isku boos yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here