Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi xayir Maareeye ayaa cambaareeyay weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho
Isagoo warbaahinta dowlada la Hadlaayay ayuu sheegay wasiirka in dowlada soomaliya ay aad kaga xun tahay weerarkii saakay lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho dowladana ay Tacsi u direyso dhamaan dadkii ku geeriyooday weerarkii Hoteelka saxafi
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada soomaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ay xaqiijinayaan amaanka agagaarka Hoteelka dhawaan si Rasmi ah losoo Bandhigi doono dadkii ku dhintay weerarkii Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho
Mudane Maxamed cabdi xayir Maareeye ayaa sidoo kale Tilmaamay in aysan hakad Gali doonin dagaalada Lagu jiro Xarakada al-shabaab inta laga saari doono dhamaan dalka soomaliya waa siduu Hadalka u dhigay wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya
wasiirka warfaafinta dowlada somaliya

