Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo Magaalada Bejin kaga Qeyb Galay Shir Muhiim ah

0

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Prof. Abdullahi Sheikh Ali (Qalloccow) oo ku sugan Magaalada Bejin ee dalka Shiinaha ayaa halkaas kaga qeyb galay shirweynaha Iskaashiga Horumarinta dhaqaalaha ee Shiinaha iyo dowladaha qaaradda Afrika oo ka dhacay caasimadda Shinaha ee Beyjiin.

Sidoo kale Shirkaas waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo saraakiil Sar sare oo ka socday 53-da dowladood ee Qaraarada Afrika,Waxaana siweyn looga hadlay sidii loo xoojin lahaa is-kaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Dowladaha Afrika oo soomaliya ay kamid Tahay.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashigab Caalamiga Prof. Abdullahi Sheikh Ali (Qalloccow) oo kulanka kadib kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada Afrika qaarkood wuxuu kala hadlay xiriir iskaashi oo saldhig looga dhigayo Qorshaha saddexda sano ee 2017-2019 oo dhowaantan Dowladda Sommaaliyeed ay soo bandhigtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here