Nin ka soo jeeda qawmiyadda Dalit ayaa isaga iyo xaaskiisaba loo dilay muran ka dhashay 15 rupees ama wax ka yar nus doolar dayn ah oo lagu lahaa, arrintaasi waxay ka dhacday Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.
Booliiska ayaa sheegay in nin dukaan le ah uu dilay lamaanahaas Khamiistii, kaddib markii ay dalbadeen in ay u baahan yihiin in wakhti uu siiyo si ay isaga bixiyaan lacagta buskut ay caruurtooda u amaahdeen.
Qawmiyadda Dalits waxaa horay loogu yaqaanay lama taabtaanka waxayna ku jiraan dabaqadda ugu hoosaysa bulshada ku nool Magaalada Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.
Booliiska ayaa wakaaladda wararka ee Hindiya ee Press Trust u sheegay in dhacdadu ay ka dhacday degmada Mainpuri.
Ashok Mishra oo ah ninka dukaanka leh ayaa labada qof ee uu dilay ka dalbaday in ay bixiyaan lacagta saddex baakad oo buskut ah oo ay u amaahdeen saddex caruur ah oo ay dhaleen maalmo ka hor sida ay wararku sheegeen.
Lamaanaha ayaa la sheegay in ay dalbadeen in ay siiyaan lacagta marka ay soo qaataan lacagta ay ka soo helaan xoogsigooda maalin laha ah ayna bixiyaan isla galinka dambe ama fiidkii.
Mishra ayaa sii waday in uu ku qayliyo oo lacagtiisa waydiisto, lamaanihii ayaase bilaabay in ay u sii socdaan dhanka shaqadooda. Intaas kaddib Mishra ayaa galay gurigiisa oo u dhawaa oo la soo baxay faas.
kaddibna dilay Bharat kaddibna wuxuu weeraray oo iyadana ku daray Mamta oo isku dayaysay in ay ninkeeda badbaadiso.
Lamaanihii ayaa ku dhintay isla goobtii sida uu Nadeem u sheegay wargayska The Indian Express
Qawmiyadda Dalit ayaa jidgooyooyin dhigay wadooyinka tuulada waxayna ka mudaaharaadeen dhacdadaasi.




