Dagaalyahano loogu shakinsan yahay in ay ka Tirsan yihiin ururka Boko Haram ee dalka negria ayaa weeraray kolonyo Gawaari gargaar bani’aadamnimo ku safrinayay Bama iyo inta u dhaxeesa Maiduguri ee gobolka Borno State, weerarkaasoo ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen.
Kolonyada ayaa waxa ka mid ahaa shaqaalaha UNICEF, UNFPA iyo IOM, war qoraal ah oo ay UNICEF ku sheegtay shalay. “UNICEF waxa ay xaqiijin kartaa in shaqaale UNICEF iyo qandaraasle IOM ah ay ku dhaawacmeen weerarka oo lagu daweeynayo cusbitaalka degaanka, dhamaan shaqaalaha kale ee UNICEF, IOM iyo UNFPA waa ay nabad qabaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay si ku meel gaar ah u joojisay gargaarka bani’aadamnimada ilaa dib u eegis lagu sameenayo xaaladda ammaanka.
Afhayeenka ciidamada, Col Sani Usman ee dalka Negeria oo warbaahinta la hadlay weerarka kadib ayaa sheegay in ciidamada qaranka Nageria ay ka hortageen isku dayga weerarkaas islamarkaana ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidamada Boko haram.

