Colaado iyo Saboolnimo ka jira dalalkooda ayaa dadka qaar ku kalifa in ay naftooda ku biimeeyaan baddaha Caalamka iyagoo ka caraya dhulkooda Hooyo.
Marka laga badbaadiyo dadkan doomaha badda Mediterranean-ka, ee isku xirta dalalka Talyaaniga iyo Libiya waxyaabaha ay ka cawdaan ee ugu daran ayaa ah dhibaatooyinka ay kala kulmaan dalka Liibiya oo isugu jira in la iibsado ama in ay aflagaado kala kulmaan dad ku nool dalkaas.
Mid kamid ah Qaxootiga oo lagu magacabo Endalkachew Gebrehiwot, oo naftiisa ku biimeeyay badda ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera mudo 10 bilood ee uu joogay Liibiya, dadka ka ganacsada tahriibiyeyaasha aadanaha in ay laba jeer afduubeen ,waxa uu sheegay madaama uu awoodi waayay inuu bixiyo $ 4,500 oo madax furasho ah, in lagu qasbay inuu shaqeeyo maalin kasta isaga oo fiilada koronto lagu qaraacayay.
Kim Clausen, oo ka mid ah dhakhaatiirta ururka Xuduudda lahayn, ayaa ku tilmaamay xaaladaha Liibiya mid “naxdin leh”. “Waqtigaan la joogo, waxa ka socda Liibiya, waa waxa aan ugu yeeri lahaa xiligii ganacsiga addoonsiga, kufsiga jirdilka, afduubka la weydiisto madax furashada kuwa tahriibinaya, iyo sii iibinta qaxootiga.”

