Dhageyso:-Markab sida Deeq gar gaar ah oo ka Timid dowlada Masar oo Maanta kusoo xirtay Dekadda Muqdisho

0

Markab sida Deeq gar gaar ah oo ka Timid dowlada Masar oo isugu jirta  bur, bariis, qamadi ayaa maanta kusoo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  ayaa kala wareegtay safaaradda Masar  ee soomaliya   gargaarka ka yimid dowlada Masar kaasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka soomaliyeed.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid Xidig  oo warbaahinta kula  hadlay Gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay kaga mahadcelinayso dowlada Masar  iyo shacabkeeda si ay u garab taagan yihiin shacabka soomaliyeed.

Dhanka kale Safiirka Masar ee Soomaliya u fadhiya ayaa dhankiisa sheegay in deeqdaan ay ka timid shacabka masaarida islamarkaana ay ugu talagaleen Shacabka Soomaliyeed iyo dowladooda isagoo hadalkiisa kusii daray in mar walba ay garab taagan yihiin dowlada soomaliya iyo shacabkeeda.

Markabka sida deeqda gargaarka ee ka timid dowlada Masar ayaa ka kooban 7-konteenar ahna 163-tonnes.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here