Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa war saxaafadeed ay soosaartay maanta oo jimco waxa ay ku taageertay in 18,278 oo qaxooti Somali ah oo ku noolaa xerada Dhadhaab ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Somaliya illaa iyo sanadii 2014-kii.
UNHCR ayaa tilmaamtay 1,278 oo kamid ah dadkaas ay si iskood ah dib ugu noqdeen dalka Somaliya intii u dhaxauysay 1-15 bishaan aynu ku jirno ee july, dadkaan dib u celinta loo sameeyay ayay sheegtay hayaddu in 1,128 kamid ay ku noqdeen safar dhinaca dhulka ah oo lagu geeyay koofurta Somaliya halka 150 ka mid ah dadkaasna lagu qaaday diyaarad taasi oo ka dejisay magaalada Muqdisho.
UNHCR warka ay soo saartay ayay sidoo kale ku sheegtay in 115.4 million oo ay sheegtay in ay ku caawinayso dib u celinta qaxootiga somaliyeed ee xeraadsa ku jira iyo sidoo kala sidii dib looga saari lahaa xeradaas 42,000 oo kenyati ah oo Qaxootinimo uga diiwaangashan xerada Dhadhaab.
Dawlada Kenya ayaa kol hore sheegatay in ay go’aan ku gaartay in ay xirayso xerada Dhadhaab ee ku taala waqooyiga barri dalka Kenya halkaas oo mudo ka badan 20 sano ay ku jiraan qaxooti u badan Somalia,dawlada Kenya waxa y ku andocootay in xeradaas laga soo abaabulo falal ka dhan ah ammaanka Kenya.

