Markab sida Deeq gar gaar ah oo ka Timid dowlada Masar oo isugu jirta bur, bariis, qamadi ayaa maanta kusoo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa kala wareegtay safaaradda Masar ee soomaliya gargaarka ka yimid dowlada Masar kaasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka soomaliyeed.
Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid Xidig oo warbaahinta kula hadlay Gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay kaga mahadcelinayso dowlada Masar iyo shacabkeeda si ay u garab taagan yihiin shacabka soomaliyeed.
Dhanka kale Safiirka Masar ee Soomaliya u fadhiya ayaa dhankiisa sheegay in deeqdaan ay ka timid shacabka masaarida islamarkaana ay ugu talagaleen Shacabka Soomaliyeed iyo dowladooda isagoo hadalkiisa kusii daray in mar walba ay garab taagan yihiin dowlada soomaliya iyo shacabkeeda.
Markabka sida deeqda gargaarka ee ka timid dowlada Masar ayaa ka kooban 7-konteenar ahna 163-tonnes.

