Wararka ka imaanaya Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in rag ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay deegaankaas ku dileen Askari ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo qof shacab ahaa.
Dilka Askariga iyo Qofka Shacabka ayaa yimid kadib markii rag la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen iyagoo ku sugan suuq ku yaala deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaliya Mudane Guhad Cabdi Warsame oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in rag ka Tirsan al-shabaab ay toogteen Askariga iyo qofka Shacabka islamarkaana haatan la aqoonsaday waxa ay ahaayeen.

