Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho kasoo ku Yaala agagaarka xarunta CID-da ee degmada Hodon
Al-shabaab ayaa Barahooda Bulshada ku baahiyay sheegashada weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho iyagoona sheegay in ay Guul weyn ka gaareen weerarka
Waxa ay sheegeen in hoteelka ay ku sugnaayeen dad ajaanib ah iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ujeeda weerarka inta badan Lagu guuleystay waa sida ay Hadalka u dhigeen al-shabaab
Dhanka kale dowlada soomaliya wali kama aysan Hadlin weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

