Shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyada Weerarkii Hoteelka Saxafi

0

Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho kasoo ku Yaala agagaarka xarunta CID-da ee degmada Hodon

Al-shabaab ayaa Barahooda Bulshada ku baahiyay sheegashada weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho iyagoona sheegay in ay Guul weyn  ka gaareen weerarka

Waxa ay sheegeen in hoteelka ay ku sugnaayeen dad ajaanib ah iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ujeeda weerarka inta badan Lagu guuleystay waa sida ay Hadalka u dhigeen al-shabaab

Dhanka kale  dowlada soomaliya wali kama aysan Hadlin weerarkii  saakay Lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here